Luqunjibbaadhka Ereyga
Doodaha u dhexeeya dhinacyada kala aragtiyaha duwan ee badankoodu had iyo jeeraale ka aloosan yihiin baraha bulshadu, waxaa jira waxyaalo badan oo ay galaaftaan. Afka ayaa kow ka ah. Qolo walbaa ereyo la yaqaan bay ku badbadan tahay oo la carartaa, kuwo kalena waxa ay u adeegsataa in ay kooxda ay la dirirayso ku ceebayso. Qayb ereyadaas ka mid ahi waa kuwo la odhan karo, mararka qaar xadkoodaba ha laga saaro e, xoogaa way u adkaysan karaan xarriijimaha isjiidjiidka ku soo gaadhaya. Waxaa se jira kuwo aan u dulqaadan karin oo dhaawacyo halis ahi ku gaadhaan doodaha, maya e murannada, dhanka diinta u badan ee taaganta ah.
"Maanshiil", "maanfur" iyo "xorriyad"; waa saddex ka mid ah ereyo dhibbane u ah macneyaal aysan lahayn oo lagu kabay. Waa ereyo asal ahaantoodu aad u qurux badan micno weyn na ku fadhiya, se toos iyo ulakac loo doorriyay; si loogu carwasaadiyo, islamarkaana loogu waabsado koox ama cid gaar ah. In maanka la shiilo waa amar Rabbaani ah. Sida oo kale, waa erey xambaarsan micno la'aanteed aysan nolosha adduun qiimo saas ah lahaateen. Maanshiiliddu ma wax aan feker iyo maskax la rogrogay oo natiijo laga dhaliyay ahayn baa? Waa tee dunida sidan oo dhan u qurux badnaan lahayd iyada oo aan maanka la shiilayn oo hadba shax cusub la keenayn? Miyaaba arlada iyo cid kasta oo dul jaqaafisaayi isbeddello waaweyn oo dhan walba ah gaadhi lahaayeen, tiiyoo aan maan iyo maskax la kaashanayn? Goorma ayaa uu ceeb iyo wax la isku caayo noqday hannaankii Eebbe ugu talagalay in kawnkan Aadamuhu madaxda ka yahayi ku kala socdo? "Maanfur" isna waa la mid. Ereyadan waxaa u badan adeegsigooda wadaaddada, oo ka arkay jaanis ay qaab xaraabaysi ah uga saayidcalayn karaan qolyaha ay isu baalaxoofteeyaan ee wejiyada badan. Kolka aad ereyadaas cid ku caayaysid, isma ogide isla adiga ayaa is duqaynaya. Maanshiilku diinta boos kuma laha miyaa? Kolka aad qof kale ku suuraxumaynayso in uu maan furan yahay oo maskaxda shiilo, adiguna? Qafil ayaa ku jabsan miyaa taada?
"Xorriyad"-da qofeedi, waa madaxbannaanida iyo dhaqdhaqaaqiisa dadnimo ee xeerku xidho. Xeerkaas diinta iyo dhaqanka ayaa ugu horreeya. Waa erey leh macne la yaqaan. Waa erey aan cid gaar ah iyo meelo gaar ah khusayn e, si guud u dhigan. Waxa jira qolyo iyaguna ereygan si gaar ah ula saaxiib ah, iyaga oo u adeegsada in ay kooxaha weerarka ku soo qaada isaga yureeyaan. Waa meel ay ku nastaan kolka ay weerarceliska ku daalaan ama weerarkooda iskacaabbin xoog lihi ka hor timaaddo. Maxay kaa dhibi lahayd haddii ay dantaas uun ku wadan lahaayeen!
Waxa aad arkaysaa qolyihii kolka qaddiyaddooda la soo weeraro ku gabbanayay:" waa xorriyad...cid kastaa maammulka nafteeda xor u ah..." oo isla iyagii cid xorriyaddeeda ku meelmaraysa canjarafaynaya:" waa dad la haysto...waa qof aan naftiisa xor u ahayn...". Qolyahan dambe Malaaxidada, Calmaaniyiinta, IWM; iyo in yar oo "sax weeyee ...sax weeyee" ka daba tidhaahda oo durbaannada u tunta dabkana ku qabsata baa ay u badan yihiin.
Ereyadaasi ma neefsan karaan oo naqaska ayaa lagu dhejiyay ee ammaan ha helaan oo ku-xoqashada daneed ha laga dhaafo.
Comments
Post a Comment