Hungo!
Kaabadda guriga ka horraysa ayuu cabbaaradanba salka ku hayay. Inkasta oo beryahanba fekerka iyo islasheekaysigu aanay maankiisa ka fulin wax natiijo ah na ka keenin, haddana saaka wax baa ku dheeraad ah. Saacad walba dhawr jeer ayaa uu cadho aawadeed bishmihiisa qaniinayaa, weyddiimaha tirabeelka ah ee naftiisu soo butaacayso oo uu badankood warcelinno u waayayo awgood. Mararka qaar ayuu inta sarajoogsado isaga dhaqaaqayaa jiho aanu garanayn, ujeed la'aan; dabadeedna cabbaar ka dib idka soo laabanayaa. Wejiga ayaa uu kaduudayaa, indhaha marba dhan u geddinayaa, gawso iyo qawlallo madhan nakab isku siinayaa marna isku garaacayaa, calaacasha afka ku daboolayaa marna gadhka ku mudanayaa. Sida neef qandhadii Furuqu ku taagan tahay baa uu isu madoobaynayaa oo gorodda laallaadinayaa. Wax uu diidayo iyo wax uu doonayo toonna lama yaqaan. Hooyadii oo suuqa adeeg ka keentay baa meesha ku soo martay. Waxa jira ee meesha fadhiisiyay baa ay weyddiisay. Ma isagaaba weyddiimaheeda dhaaddan fe...