Posts

Xiimaaye

Tuulo inta laga keenay ayaa machad lagu daray, dhawr sano kolkii uu ka liqayna waxa uu qol irridbannaan ah ka furtay malcaamad. Waxbarasho maaddi ah waxaa ugu dambaysay dugsigii dhexe ee tuulada. Aad ayaa uu uga qoomameeyaa waqtigii kaga lumay "maalaayacnigii" dhigashada maaddiga. Waxa uu qabaa aqoonta maaddigu in ay tahay wax aan midho iyo raandhiis toonna lahayn, mudnaynna in waqti lagu lumiyo; beddelkeedana waxa uu qabaa in dadku diiniga oo keli ah barto. Noloshan adduun ee iska dhalanteedka ah wax loo sii raacraacaaba in aysan "jirin" ayaa uu aamminsan yahay. Adillada tibaaxaysa in aan adduunyada lagu sii tiigaalin oo keli ah baa uu ku dheggan yahay, isaga oo kuwa in qofku aanu nasiibkiisa adduunyo illaawin boorrinaysa iska indhatiraya. Saaxiibbadiis, badankoodii waa ay isku dhaceen. Waxyaalo dhawr ah baa ay iskaga dhaceen, sida in ay haasaawe badnaayeen oo hablaha raacraaci jireen, in ay ciyaaraha gaalada daawan jireen, filimmada oo ay ku falnaayeen, sawirgelid...

Labo Qodob: Suugaanta iyo Ammaanta Haweenka

- Ma adka in aad aragto hal-abuur ama abwaan Soomaaliyeed oo jeer inan ku ammaanaya quruxdeeda: indhadeeraleey, biciid-la-mood ah, quruxdeeda aan laga aqoon sagal arooryaad, mid la moodo man dillaacay, u eg xareed la miiray, dhabankeeda lagu masaali karo midho madheedh oo bislaaday, IWM; oo haddana maansooyin dhaadheer ku canaananaya hablihii oo is caddeeyay, kaga cabanaya in ay samaynayaan dhaqan khiyaano ah, ka waaninaya, islamarkaasna kula talinaya in ay midabkooda ilaashtaan oo madawgoodu sharaf iyo bilic leeyahay! Halkan kalahadal weyni ma kaaga muuqdaa? Suugaantu, waxa ay habdhaqanka guud ee qofka Soomaaliga ah u tahay bar uu ka tilmaanqaato. Waxa ay qaabayn kartaa[oo wax ka beddeli kartaa, ka reebi kartaa ama ku soo dari kartaa] habdhaqankiisa, si aanan muuqanna waa ay u saamaysaa. Sidaas awgeed, inanta iyada oo midab lamahelaan ah oo madowdhalaal ah lahayd inta ay is caddaysay iska dhigtay sidii qorraxdoo aroortii qaybisay fallaadhaha ama dayax shan iyo toban ah, waxa ay dhiirr...

Hungo!

Kaabadda guriga ka horraysa ayuu cabbaaradanba salka ku hayay. Inkasta oo beryahanba fekerka iyo islasheekaysigu aanay maankiisa ka fulin wax natiijo ah na ka keenin, haddana saaka wax baa ku dheeraad ah. Saacad walba dhawr jeer ayaa uu cadho aawadeed bishmihiisa qaniinayaa, weyddiimaha tirabeelka ah ee naftiisu soo butaacayso oo uu badankood warcelinno u waayayo awgood. Mararka qaar ayuu inta sarajoogsado isaga dhaqaaqayaa jiho aanu garanayn, ujeed la'aan; dabadeedna cabbaar ka dib idka soo laabanayaa. Wejiga ayaa uu kaduudayaa, indhaha marba dhan u geddinayaa, gawso iyo qawlallo madhan nakab isku siinayaa marna isku garaacayaa, calaacasha afka ku daboolayaa marna gadhka ku mudanayaa. Sida neef qandhadii Furuqu ku taagan tahay baa uu isu madoobaynayaa oo gorodda laallaadinayaa. Wax uu diidayo iyo wax uu doonayo toonna lama yaqaan. Hooyadii oo suuqa adeeg ka keentay baa meesha ku soo martay. Waxa jira ee meesha fadhiisiyay baa ay weyddiisay. Ma isagaaba weyddiimaheeda dhaaddan fe...

Luqunjibbaadhka Ereyga

Doodaha u dhexeeya dhinacyada kala aragtiyaha duwan ee badankoodu had iyo jeeraale ka aloosan yihiin baraha bulshadu, waxaa jira waxyaalo badan oo ay galaaftaan. Afka ayaa kow ka ah. Qolo walbaa ereyo la yaqaan bay ku badbadan tahay oo la carartaa, kuwo kalena waxa ay u adeegsataa in ay kooxda ay la dirirayso ku ceebayso. Qayb ereyadaas ka mid ahi waa kuwo la odhan karo, mararka qaar xadkoodaba ha laga saaro e, xoogaa way u adkaysan karaan xarriijimaha isjiidjiidka ku soo gaadhaya. Waxaa se jira kuwo aan u dulqaadan karin oo dhaawacyo halis ahi ku gaadhaan doodaha, maya e murannada, dhanka diinta u badan ee taaganta ah. "Maanshiil", "maanfur" iyo "xorriyad"; waa saddex ka mid ah ereyo dhibbane u ah macneyaal aysan lahayn oo lagu kabay. Waa ereyo asal ahaantoodu aad u qurux badan micno weyn na ku fadhiya, se toos iyo ulakac loo doorriyay; si loogu carwasaadiyo, islamarkaana loogu waabsado koox ama cid gaar ah. In maanka la shiilo waa amar Rabbaani ah. Sida ...

Xusuus Qurux Badan iyo Hees Qaali Ah

Waa makhribood ay dayaxa iyo cadceeddu nuurka kala guddoomayaan. Meel degelka ka yar durugsan baa aan adhiga la joogaa. Waagaas wax taariikh la yidhaahdo ma aqoon, waxa aan se ku hilaadinayaa in ay ahayd badhtanka 2008. Waa bilo yar ka hor intii aanan miyiga ka soo rogan. Dhanka galbeed ayaa ay laydhu igaga soo tuurtay codad iyo sanqadho kala duwan oo isku ladhan, oo aan dhegta ka qaadi waayay. Cabbaar kolkii aan sidii gammaan bahal arkay dhegaha u taagtaagay aniga oo meesha codku ka imanayo dhegta la sii raacaya, ayaa qof halkii mudh ka soo yidhi. Moobeel ma uusan lahayn e, waa Gibille oo rikoodhkii sanqadha weynaa ee panasonic-ga ahaa dhegta haysta. Heesta ka baxaysa ayaa uu si dareen iyo layaab leh ula qaadayaa hoobalka: Xasan Aadan Samatar. Mararka qaar codkiisa ayaa ka fannaanka iyo muusiggaba ka dhawaaq sarraynaya. Ma hubo, wax aan se u badinayaa in ay ahayd markii koowaad ee aan xaaladdan ku arko. Maxaa cusub galabta tolow? Meel dhawr kiilomitir noo jirta ayaa caawa aroos ka jir...

Sibbaaddii La Turqay!

Image
Cadceedda ayaa godkeeda baalka sii dhiganaysa. Fallaadho dhaadheer iyo mood guduudan ayaa ay ku sii nabadgelyaynaysaa maalintii ay iyadu bilaysay. Daruur dugul ah ayaa sii gelbinaysa oo dhibco gacaltooyo ku sii buufinaysa. Yadan balliga weyn ka sokeeya ayaa aan qarkiisa taagan ahay. Codkii mar-la-aragga ahaa ee Cali Udin oo inantii uu hablaha ka calmaday si mug leh u la garnaqsanaya ayaa aan si baar leh u dhuuxayaa. Mararka qaar feker aan sii ridnayn ayaa aan gelayaa, mar sida qorraxdu dhirta ugu sii madaxsalaaxayso iyaguna uga durraamanayaan in ay la sii joogto, dabadeedna ay ugu madaxdejinayso: “berriba alaasayda hore waa aan idinla joogaaye, nabad iigu berya” iyo dareemmada ay isdhaafsanayaan ayaa aan la qiiroonayaa, kol kalena naftayda ayaa aan hoos u la yoomayaa. Isla jeerkaas ayaa uu rahuna bilaabay in uu soo tebiyo warka farxadda leh ee barwaaqada iyo balliyada ceegaaga. Kolleyba warkan waa la hayaaye, tolow ma dadka iyo duunyada ayaa xusuusinayaa in ay Eebbe u mahadnaqaan, mise...

Abaal: faallo kooban.

Image
"Waa hadhsiimo Khamiis ah. Waa magaalada Melbourne ee dalka Australia. Nurku waa 2002. Waxa aan ahay Ustaraaliyaan Soomaaliya ku dhalatay kuna barbaartay. Dhabtayda waxaa ku jiifta gabadh aan dhalay oo lix jir ah. Aabbaheed ma aysan arkin weligeed. Qudhaydu, gabadhayda aabbaheed ma aanan arkin toban iyo kow dabshid. Haddana gabadhayda aabbaheed, anigu, weligey lama seexan. Sir iyo saaq toonna, weligayo jacayl ma aannaan samayn. Noloshaydaba waxa aan aqiin bilo aan toban gaadhin. Melbourne ayaa ay gabadhaydu ku uurgashay. Aabbaheed xogta aan hadda ka haynno, waxa uu Kaankaro ugu geeriyooday magaalada Nayroobi ee dalka Kenya 1995-kii." Qoraaga buuggu waa Cali-Ganey Maxamed Cabdi-Giir. Waa qoraaga sheekooyin dhawr ah oo kan iyo saddexdaas jeldiga ku xardhani ka mid yihiin. Kani waa Abaal. Waa sheekafaneed. Habqoraalka, awoodda erey ee qoraaga, sida sheekadu u xidhiidhsan tahay iyo habka uu intaas farriintiisa qoraagu u dhex marinayaaba waa ashqaraar. Meelo badan af Soomaaliga uu...