Xiimaaye
Tuulo inta laga keenay ayaa machad lagu daray, dhawr sano kolkii uu ka liqayna waxa uu qol irridbannaan ah ka furtay malcaamad. Waxbarasho maaddi ah waxaa ugu dambaysay dugsigii dhexe ee tuulada. Aad ayaa uu uga qoomameeyaa waqtigii kaga lumay "maalaayacnigii" dhigashada maaddiga. Waxa uu qabaa aqoonta maaddigu in ay tahay wax aan midho iyo raandhiis toonna lahayn, mudnaynna in waqti lagu lumiyo; beddelkeedana waxa uu qabaa in dadku diiniga oo keli ah barto. Noloshan adduun ee iska dhalanteedka ah wax loo sii raacraacaaba in aysan "jirin" ayaa uu aamminsan yahay. Adillada tibaaxaysa in aan adduunyada lagu sii tiigaalin oo keli ah baa uu ku dheggan yahay, isaga oo kuwa in qofku aanu nasiibkiisa adduunyo illaawin boorrinaysa iska indhatiraya. Saaxiibbadiis, badankoodii waa ay isku dhaceen. Waxyaalo dhawr ah baa ay iskaga dhaceen, sida in ay haasaawe badnaayeen oo hablaha raacraaci jireen, in ay ciyaaraha gaalada daawan jireen, filimmada oo ay ku falnaayeen, sawirgelidda oo ay ku badnaayeen iyo qodobbo kaleba. Waxaaba kaga sii darnayd, kol kasta oo uu is dhaho "fawaaxishtaas" ka waani in ay yool ku furi jireen oo ku gacansaydhi jireen. Isagu aragti uu mas'alo diini ah ama nololeed ka haysto haddii lagu khilaafo, waxa uu qofkaas ka soo qaadaa mid "fogaaday" ama noqday "cad sun ah". Mararka qaar inta uu u dulqaadan waayo aragti ku qariib ah ayaa uu durba ku dhejiyaa shaabbadda gaalnimada. Marmar bay diintuba la noqotaa "group" uu "admin" ka yahay oo cidduu doonana soo gelinayo, cidda uu doonana saarayo. Dood qumman oo lala galo warkeedaba daa, oo "ha na sadhayn" baa ka soo horraysa. Dadka ku xeerani waxa ay ugu kala jiraan khaanado uu isagu samaystay: mu'min khaalis ah, faasid, munaafaq, mid fogaaday, murtad, gaal!
Mid ay ilma adeer yihiin oo muranka siyaasadda iyo doodaha diinta aad ugu falan baa qolkiisii la soo degay. Waa mid qarjajac iyo baalaxoofto miidhan ah. Haddiiba uusan Abuu-Dirham siyaasadda iyo warkeedaba danayn, maxa waxa uu ka aammusi karaa doodahan "diinxumada" ah ee uu sanka ka marmariyo? Waa kan isaga oo ninka iska dhici is leh la dhigay. Allaylehe, waa kuwan madaxa isla galay ee qolkii yaraa gelin walba diinta la isaga saaray! Labadooda, midi waa mutashaddid aanan hal mas'alo lagu khilaafi karin, kan kalena waa iska ilaaqdoon keliya raba weyraxinta saaxiibkii. Hadh iyo habeen ha la is rifo, oo mararka qaar hadalkaba ha la kala goosto.
Dabcan, mar walba gartu kama qosliso e, waa tan dhawr aragtiyood oo uu hore u qabay gaashaanka loo daruuray ee daaddaysyo laga riday, isna waa kan tiisii hore ka soo fuqay ee middan ku dhegay, illeen dhagax maaha e. Imminka dhankii diinta oo keli ah kama doodo ee xoogaa waa uu is yara ballaadhiyay. Waa kan isaga oo aan is ogayn durba aragtiyihii uu qashinka ku sheegi jirayi si fudud ugu duxeen ee qaar badan oo ka mid ah caadiga u arkay. Malcaamaddii inta uu ka dhex arkay ayaa uu iska fasaxay. Isbeddel weyn baa durba ka muuqday. Alla! Soo kan surwaalkii uu "futadhuubka" ku sheegi jiray xidhan, ee gadhkii yar farsameeyay ee "sidii fooddheeraha" timihii habeeyay. Waawareey! Waa kan maskaxdiina "furay", sida uu kutubtiisii horeba u beddelay. Waxa uu galay xaalad kalaguur ah, intii uu xaaladdan ku dhex jirayna waxa uu dareemay waxoogaa xorriyad dheeraad ah iyo dabar la'aan. Waa kaas durba bilaabay in uu qaabnololeedkii iyo aragtiyihiisii hore ee "wareersanaa" weeraro. Habdhaqankiisii hore ayaa uu dib u yar halacsaday. El! Waa kaas inta dhoollacaddeeyay "in aad is qarxisaa kuu dhinnayd" hoosta ka yidhi. Bilo yar ka gadaal waa kan saaxiibbadiisii ka "ilbaxay" ee iyagii daalaca u raacay. Waa kan "wadaaddadii yaryaraa ee masaakiinta" ahaa yasid, xaqirid, iyo canjarafayn ku bilaabay.
Indhawaale salaad food ma dhigin. Oo maxaaba uu ku falayaa, soo tii uu ka soo doogay ma aha? Waa kaas diintii, wadaaddadii, masjidkii, bulshadiisii iyo aragtiyihiisii hore khaatiga ka taagan yihiin. Hadh iyo habeen iyaga uun baa wax loo saaray oo uu rifayaa. Haayoo, waxa uu doonayaa in uu "soo badbaadiyo". Badbaadin maxay ah? Yaa uu ka soo badbaadinayaa? Dee dhaqan Carbeedka loo diimeeyay ee lagu kidkiday. Lama soo marsiin karo in ay aragtidooda xor u yihiin oo halkaas ku joogaan, marba haddii uu isba halkan ku joogo. Waa kaas hal mar gees-ka-gees booday. Labada gees dhexdooda ayaa cidi ku noolayd. Waa qolyo cidaha labada gees ku nool ka shiddo yar oo aanay sidooda bac ku xidhnayn. Waa qolyo labada dhinacba wixii ay uga bogaan ka qaata, wixii kalena badda ku dara. Waa kuwo, ugu yaraan, aanan iyagu dhibbane isu noqon. Kuma hakan e, boqol iyo badhan baa uu ku dhaafay. Qudhooda si baa uu u yar liidaa mararka qaar uu geeskii kale ka uriyo. Muddo yar oo kooban ayaa uu xawaaraha intaas le'eg jaray. Ma adka in dhawaan la arko isaga oo u xiimaya dhankii kale ee uu degdegga uga soo xiimay.
Comments
Post a Comment