Xusuus Qurux Badan iyo Hees Qaali Ah
Waa makhribood ay dayaxa iyo cadceeddu nuurka kala guddoomayaan. Meel degelka ka yar durugsan baa aan adhiga la joogaa. Waagaas wax taariikh la yidhaahdo ma aqoon, waxa aan se ku hilaadinayaa in ay ahayd badhtanka 2008. Waa bilo yar ka hor intii aanan miyiga ka soo rogan. Dhanka galbeed ayaa ay laydhu igaga soo tuurtay codad iyo sanqadho kala duwan oo isku ladhan, oo aan dhegta ka qaadi waayay. Cabbaar kolkii aan sidii gammaan bahal arkay dhegaha u taagtaagay aniga oo meesha codku ka imanayo dhegta la sii raacaya, ayaa qof halkii mudh ka soo yidhi. Moobeel ma uusan lahayn e, waa Gibille oo rikoodhkii sanqadha weynaa ee panasonic-ga ahaa dhegta haysta. Heesta ka baxaysa ayaa uu si dareen iyo layaab leh ula qaadayaa hoobalka: Xasan Aadan Samatar. Mararka qaar codkiisa ayaa ka fannaanka iyo muusiggaba ka dhawaaq sarraynaya. Ma hubo, wax aan se u badinayaa in ay ahayd markii koowaad ee aan xaaladdan ku arko. Maxaa cusub galabta tolow? Meel dhawr kiilomitir noo jirta ayaa caawa aroos ka jir...