Labo Qodob: Suugaanta iyo Ammaanta Haweenka
- Ma adka in aad aragto hal-abuur ama abwaan Soomaaliyeed oo jeer inan ku ammaanaya quruxdeeda: indhadeeraleey, biciid-la-mood ah, quruxdeeda aan laga aqoon sagal arooryaad, mid la moodo man dillaacay, u eg xareed la miiray, dhabankeeda lagu masaali karo midho madheedh oo bislaaday, IWM; oo haddana maansooyin dhaadheer ku canaananaya hablihii oo is caddeeyay, kaga cabanaya in ay samaynayaan dhaqan khiyaano ah, ka waaninaya, islamarkaasna kula talinaya in ay midabkooda ilaashtaan oo madawgoodu sharaf iyo bilic leeyahay! Halkan kalahadal weyni ma kaaga muuqdaa?
Suugaantu, waxa ay habdhaqanka guud ee qofka Soomaaliga ah u tahay bar uu ka tilmaanqaato. Waxa ay qaabayn kartaa[oo wax ka beddeli kartaa, ka reebi kartaa ama ku soo dari kartaa] habdhaqankiisa, si aanan muuqanna waa ay u saamaysaa. Sidaas awgeed, inanta iyada oo midab lamahelaan ah oo madowdhalaal ah lahayd inta ay is caddaysay iska dhigtay sidii qorraxdoo aroortii qaybisay fallaadhaha ama dayax shan iyo toban ah, waxa ay dhiirrigelin taban ka heshay hal-abuurka suugaanta ee quruxda isku sida u yaqaan. Isku si! Weligaa miyaad aragtay maansayahan isagu ka hela midabka jukulaydhka ah ee aan caddaan iyo casaan oo dhani agtiisa geedka ka jabsan? Haddii uu jirana waa dhif. Kolka, inantii midabka qurxoonaydi waa taas ka carartay midabkeedii asalka ahaa ee kan aysan ku soo baxayn dhibbanaha u noqotay. Midabbada faraha badan ee aanan kala dhicini, waxa ay mudan yihiin in mid walba uu gaarkiisa ammaantiisa u helo, haddii kale se, oo hal mid uun ammaanta aad loogu bantookho, waxaa imanaysa in kaas lagu soo jabo. Soo jabitaankaas ka dib, abwaan, canaani ma jirto.
- Aadkeedaba, qofku ma qurux baa mise waa qaayo? Micnaha, quruxda iyo qaayaha kee baa qofka noloshiisa qaabeeya, qiimo ku leeyahay, oo uu ku meelmaraa? Si kale, haddii aad qurxoon tahay, ma waxa ay ka dhigan tahay in ay noloshu ku soo dhaweynayso, halka ay ka gacanbidixayaynayso kan aanan isagu quruxda badnayn? Mise qofku waa qaayaha, oo dadnimadiisa, kartidiisa, aqoontiisa, aqligiisa iyo dabeecadihiisa uu ku samayn karo wax-ka-beddelka ayaa uu yahay?
Malaha miyiga ayay weli ku sii danbaysaaye, inanba ta ay ka tugtug badan tahay ee ka gaarisan tahay ee ka lexejeclo badan tahay ee ka aqli badan tahay ee ka farsamo badan tahay, ayay ka qiimo badan tahay. Inan qurux badan oo aanan waxar qool gelin karini miyiga ammaan kuma leh. Waa sababta ay aadka ugu kala duwan yihiin suugaanta miyiga iyo tan magaaladu kolka ay qiimaynayaan 'inan qaali ah'. Waa isku caksi. Waa dhab, oo waa laba habnololeed oo kala duwan, se marnaba quruxdu kama mudnaan karto qaayaha. Waa muhiim, ama se aan dhaho, waa lagamamaarmaan in aynnu helno suugaan magaalo oo qaali u aragta inan aqoon leh, fekerta, wax akhrida, wax qorta, kaalin weyn ku jirta, IWM; beddelka halkii ay jidhkeeda iyo abuurkeeda ka falanqoon lahayd, sidii oo laga dhiganayo moodhal xayaysiin looga baahan yahay.
Comments
Post a Comment