Posts

Showing posts from January, 2021

Labo Qodob: Suugaanta iyo Ammaanta Haweenka

- Ma adka in aad aragto hal-abuur ama abwaan Soomaaliyeed oo jeer inan ku ammaanaya quruxdeeda: indhadeeraleey, biciid-la-mood ah, quruxdeeda aan laga aqoon sagal arooryaad, mid la moodo man dillaacay, u eg xareed la miiray, dhabankeeda lagu masaali karo midho madheedh oo bislaaday, IWM; oo haddana maansooyin dhaadheer ku canaananaya hablihii oo is caddeeyay, kaga cabanaya in ay samaynayaan dhaqan khiyaano ah, ka waaninaya, islamarkaasna kula talinaya in ay midabkooda ilaashtaan oo madawgoodu sharaf iyo bilic leeyahay! Halkan kalahadal weyni ma kaaga muuqdaa? Suugaantu, waxa ay habdhaqanka guud ee qofka Soomaaliga ah u tahay bar uu ka tilmaanqaato. Waxa ay qaabayn kartaa[oo wax ka beddeli kartaa, ka reebi kartaa ama ku soo dari kartaa] habdhaqankiisa, si aanan muuqanna waa ay u saamaysaa. Sidaas awgeed, inanta iyada oo midab lamahelaan ah oo madowdhalaal ah lahayd inta ay is caddaysay iska dhigtay sidii qorraxdoo aroortii qaybisay fallaadhaha ama dayax shan iyo toban ah, waxa ay dhiirr...