Abaal: faallo kooban.
"Waa hadhsiimo Khamiis ah. Waa magaalada Melbourne ee dalka Australia. Nurku waa 2002. Waxa aan ahay Ustaraaliyaan Soomaaliya ku dhalatay kuna barbaartay. Dhabtayda waxaa ku jiifta gabadh aan dhalay oo lix jir ah. Aabbaheed ma aysan arkin weligeed. Qudhaydu, gabadhayda aabbaheed ma aanan arkin toban iyo kow dabshid. Haddana gabadhayda aabbaheed, anigu, weligey lama seexan. Sir iyo saaq toonna, weligayo jacayl ma aannaan samayn. Noloshaydaba waxa aan aqiin bilo aan toban gaadhin. Melbourne ayaa ay gabadhaydu ku uurgashay. Aabbaheed xogta aan hadda ka haynno, waxa uu Kaankaro ugu geeriyooday magaalada Nayroobi ee dalka Kenya 1995-kii."
Qoraaga buuggu waa Cali-Ganey Maxamed Cabdi-Giir. Waa qoraaga sheekooyin dhawr ah oo kan iyo saddexdaas jeldiga ku xardhani ka mid yihiin. Kani waa Abaal. Waa sheekafaneed. Habqoraalka, awoodda erey ee qoraaga, sida sheekadu u xidhiidhsan tahay iyo habka uu intaas farriintiisa qoraagu u dhex marinayaaba waa ashqaraar. Meelo badan af Soomaaliga uu qoraagu adeegsanayaa waa si kale, naxwe ahaan. Si kale waxa aan ka wadaa hab, qof ahaan, igu cusub. Ma ogi in deegaanka qoraagu ka soo jeedo sidan looga hadlo iyo in uu yahay hannaanqoraal cusub oo uu isagu ibafuray. Tani ammaan iyo dhaliil midna ma aha. Dhanka suugaanta, waxa aad si weyn u qiraysaa awoodda hal-abuurnimo ee qoraaga.
Mucda sheekada, waxa uu qaab aad u xanuun iyo murugo badan qoraagu u taleexinayaa sidii uu dalku ahaa markii dawladdii dhexe sii ciiraysay, walaacii, rejaxumadii aysan saxansaxadu ka soo urayn ee laga qabay dawladda iyo sidii kolkii dambe loo bahaloobay. Dilkii, silicii iyo rafaadkii ay is markiyeen kuwii midab, dhaqan, dal, diin iyo afba wadaagayey. Burburkii dalka iyo ciddii ka dambaysay baa uu si hoose kuugu taraarixinayaa. Sheekada waxaa bud-dhige u ah Milgo Maaweel oo 142 maalmood gudahood maraysa nolol cadaab ah.
Cilmiyada Caafimaadka, Xiddigiska, Taariikhda iyo Juqraafiga baa wax weyn oo badani kaaga kordhayaan inta aad Abaal dhex mushaaxayso, sida oo kale dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida.
Haddii gacanmaris dambe lagu sameeyo, la tifaftiro, daabacaad kalena la mariyo, waxa aan hubaa in sheekadani, haddiiba aysan ka horrayn, ay la dhiganayso sheekooyinka ku baarqabbeeya baarka sare ee sheekafaneedda Soomaalida: Maana-Faay, Aanadii Negeeye IKM. Dhiganahu waxa uu ka mid ahaa dhawr aan ka dheefay Bandhiggii Buugaagta Celiska ahaa ee dabayaaqadii Febraayo lagu qabtay Laascaanood.

Comments
Post a Comment