Hungo!
Kaabadda guriga ka horraysa ayuu cabbaaradanba salka ku hayay. Inkasta oo beryahanba fekerka iyo islasheekaysigu aanay maankiisa ka fulin wax natiijo ah na ka keenin, haddana saaka wax baa ku dheeraad ah. Saacad walba dhawr jeer ayaa uu cadho aawadeed bishmihiisa qaniinayaa, weyddiimaha tirabeelka ah ee naftiisu soo butaacayso oo uu badankood warcelinno u waayayo awgood. Mararka qaar ayuu inta sarajoogsado isaga dhaqaaqayaa jiho aanu garanayn, ujeed la'aan; dabadeedna cabbaar ka dib idka soo laabanayaa. Wejiga ayaa uu kaduudayaa, indhaha marba dhan u geddinayaa, gawso iyo qawlallo madhan nakab isku siinayaa marna isku garaacayaa, calaacasha afka ku daboolayaa marna gadhka ku mudanayaa. Sida neef qandhadii Furuqu ku taagan tahay baa uu isu madoobaynayaa oo gorodda laallaadinayaa. Wax uu diidayo iyo wax uu doonayo toonna lama yaqaan.
Hooyadii oo suuqa adeeg ka keentay baa meesha ku soo martay. Waxa jira ee meesha fadhiisiyay baa ay weyddiisay. Ma isagaaba weyddiimaheeda dhaaddan feker ayuu ku maqan yahay e. Hadalkii baa ay kor ugu qaadday kuna yar kululaysay. "War saaka maxaa jira? Maxaa kaabadda siigada miidhan ku fadhiisiyay oo aad guriga u geli weyday? Waa maxay saaka fekerku? Xanuun miyaa jira hooyo?". Waan iska fekerayaaye waxba ma jiraan hooyo, ayaa uu ku gaabsaday. Way sii dhaaftay oo aqalka gashay, isna bartii ayaa uu ka miisay. Daqiiqado kooban ayaa uu noloshiisa Hawdka oommanaha ah ka soo ambaqaadaysa ku soo uruuriyay:
Waa abaar qac ah. Wax uu rag xiniinyataabtaba, ugu dambayn xilli saqbadh ah ayaa adeerkii Cali-Xubin gaado heshay isaga oo dhudhub guriga u dhow oo dhir sogsogan oo bilaa caleen ah uun ku soo hadhay dhex bilqan. Inta ay dhawr kiiloomitir sii qaateen ayay dhegta dhiigga u dareen. Baroor iyo muusannaw ayaa xigay. Aayadii, Xaadsan Weerar, asay ayay qaadatay, dumaalna dhaar ayaa ay xagaf siisay ilaa odaygeedii loo aaro. Maalintii axanka la cunay ayaa raggii beeshu tashi isugu yimid. Isagu waxa uu karaahsanayay in geedkii uu leexada ku ciyaari jiray rag gabradeen, xadhiggii leexadu ugu xidhnaydna mid xun oo meesha joogayi furtay oo awr uu lahaa seeto uga dhigay. Dhawr maalmo dabadeed ayaa miyiga laga soo kaxeeyay. Lagama soo kexeeyeen oo reerkuba ciidan kale ma haysan e, colaaddii ayaa caydiqalad noqtay oo yar iyo weyn looma kala aabbayeelayo. Sidaas aawadeed waa loo baqay.
Weligiis xusuustiisa kama ay tiranto ammintii uu Dhaynihii Jab-Dhurwaa ee ahminka wadayi soo qaaday, dabadeedna inta foodyabagaaraha u baxay halkaas ka daawanayey dhirtii uu hebel iyo hebel u kala yaqaannay oo yaacaysa, raxanraxanna indhihiisa uga libdhaysa. Kolkaas ayaa uu kii dhaafaba ka sii daba tuurayay ereyo calaacal ah oo nabadgelyayn u eg. Waqooyiga magaalada ayaa gaadhigii oo kankoonsani kala soo galay. Dhanka galbeed dhabbada aadda ayaa uu dhuftay, mar kalena koonfur afka saaray oo darawalku leewarka cagta ku cadaadiyay. Warsame, Markanna waa u layaab kale. Magaaladii oo tabtii dhirta u ordaysa, se iyada aanu, sidii dhirta, guri guri u kala garanayn ayaa uu la ashqaraarsan yahay. "Adeer, xaggee ku soconnaa, soo tan magaaladiiba yaacaysa?!", ayaa uu kirishbaygii si geesinnimo leh u weyddiiyay. Ereyga "adeer" waxa uu ugu yeedhaa, sida carruurta kaleba, cid kasta oo adeerkii la ayni ah.
Nus laba qol ka dhisan tahay, daarad sarab ahna ku wareegsan tahay baa gaadhigii la hor istaajiyay. Hal mar ayaa dhawr carruur ah oo wax ka yar iyo kuwo ka weynba leh oo guuxa gaadhiga maqlayi ku soo yaaceen, dabadeedna sacab iyo magiciisii oo ay sidii adhi la horayo qaab habqan ah ugu dhawaaqayaan ku soo dhaweeyeen. Waa walaalihiis. "Soo ma soo degi kartid, gurigii waa kan e?", kirishbaygii ayaa ku yidhi. Waa uu iska xifaalaynayey e, run ka ma ahayn; oo siddeed jir daaye, siddeed iyo labaatan jirka ayay ku adag tahay in uu foodyabagaaraha sahalo uga soo dego. Waxaase layaab ku noqotay kolkii uu dhalada baabuurka iska soo shalwiyay ee dhulka 'batalaq' ku soo yidhi. Oo maxay la tahay, dundumooyinka dhaadheerba fiintooda ayuu sida uu doono uga soo haadi jiray e!
Bil wax la' kolkii uu magaalada joogay ayaa malcaamad lagu daray. Sidiisaba nin maskax furan oo fahmad badan ma aha, waa se mintid dedaal miidhan ah. Waalidkii waxa ay si gooddis ah ugu sheegeen haddii uu maalin qudha casharka garan waayo in macallinku dili doono oo sarwaan meel walba ku goynayo, dabadeedna miyigiisii lagu celin doono. Macallin Rooble Xiddig ayaa loo geeyay. Durba isaga oo arkaya oo maqlaya ayaa ay aabbihii iyo macallinku ku heshiiyeen in midina jidhka leeyahay, midna lafta! Isaga oo amankaag indhaha la taagtaagaya ayaa uu dhankiisa bidix ee fog eegay; mise rutub dhan oo ulo madheedh, tuubbo iyo fiilo isugu jira ayaa ku tuunsan. Waxa kale oo uu baruhu u sheegay dhengedda in ay dheer tahay "washamsidu". Ma uu fahmin wax uu ka wado washamsida, se macallin Rooble ayaa judhiiba faray ardaydiisa in ay dhoollatus ku sameeyaan mid hore oo denbi washamsi-ku-qaadis ah ku xukunnaa. Durba cabsi iyo argaggax baa ku abuurmay.
Aroortii xigtay baa uu goor hore isa soo xaaddiriyay. Xayn xuruuf ah ayaa buugga dhinaca midig loogaga xarriiqay. Hadh iyo habeen intaas yar gaadh ha ka hayo oo ha ku wardiyo. Ma wax aan gaadh laga hayn baa, soo ballanqaadkii uu ogaa sugi maayo! Toddobaad ka dib ayaa Qur'aankii loo bilaabay. Alaasayda hore ayaa uu laba buug la kallahaa; mid Qur'aanka midna higgaadda. Muunida ilaa duhurka ayaa malcaamadda lagu jiraa oo afarta gidaar ee isku soo jeeda milcistu ka dhex yuustaa. Biririf badh saac ah ayaan daqiiqadna laga soo dib dhicin. Inta meesha lagu jiro hal mar lama xiiqtirto. Maalintii uu siddeed jus madaxa ka jaray ayaa dugsi lagu daray. Meeshani, inkasta oo ay halkii hore dhaanto, haddana weli waxa uu qabaa cabsidii iyo aamminaad
-darradii ka soo raacday malcaamadda. Waxbarasho oo dhan ayaa uu sas ka qabaa oo waxaa madaxmartay arxandarrada, ciqaabta, cadhada iyo kulaylka ka sokeeya badanka goobaha waxbarasho ee dhallaanka. Dugsigan la qoray heerkiisa hoose waxaa lagu dhigaa maaddooyin shan ah oo kala duwan: Soomaali, Tarbiyad, Carabi, English iyo Xisaab. Gelinka hore malcaamadda ayaa uu qabtaa, ka dambena iskoolka.
***
Bare Rooblaha malcaamaddu, af aan ul, garaac iyo karoox ahayn kuma hadlo inta uu malcaamadda joogo. Dagaalkaasi in uu xalka keliya ee ilmuhu waajibkiisa kaga soo dhalaali karo yahay baa uu aamminsan yahay. Keligiis kuma aha, oo bare Qur'aan oo dhan baa sidaas aamminsan. Gudaha malcaamadda iyo saacadaha waxbarashada oo keliya macallinku ardayga kuma taxalluqo e, bannaankuna waa la mid. Si dhow ayuu u la socdaa dhammaan dhaqdhaqaaqyada ardayga. Kubbad, ciyaar kale, suuq iyo meeshii aan masjidka, malcaamadda ama guriga ahayn ee uu ku arkaaba waa dembi weyn. Masjidka, kabiirka malcaamadda ayaa buug weyn inta loo soo dhiibo salaad walba gadaasheed la faraa in uu xaaddiriyo. Qofkii la waayo ciqaab baa u taal.
Beryahan shax fiican ayaa uu keenay. Salaadda ma tukado, se kolka uu salaamanaqsiga imaamka maqlo ayaa uu soo dhukusaa oo inta ardayda soo dhex fadhiisto is xaaddiriyaa. Beryo ayaa uu ku caanamaalay shaxdan. Maxayse kuugu taal, maalin ayaa macallinkii oo salaadda duhur ka soo habsaamayi arkay isaga oo carruur jabbaan la ciyaaraya. Naxdin ayaa dhulku la wareegay, orod ayuuna istaataabtay oo cararay. Galabtii malcaamadda ma uu iman. Aabbihiis ayaa uu la soo hadlay macallinku oo u sheegay in uusan salaadna tukan malcaamaddana u jaray. Hiirtii hore ayaa laga soo hantaqhantaqsiiyay oo malcaamadda la keenay. Markan oo kale ciqaabtu waa laba mid uun: Dallac iyo Washamsi. Dallicid: waa in afarta addin ardaydu la yoonto, macallinkuna dhabarka iyo badhida candaadiqaha ka dhigo. Washamsi: waa in qandhuufo, qaniinyo iyo xagtin kol kasta lagu jaro jidhka yar ee curdinka ah. Labadaba waa la marsiiyay. Kolkii faraha laga qaaday ayaa uu orod 'taw' yidhi, oo malcaamaddiiba ka baxsaday. Arday ayaa laga daba diray oo soo qabatay. Ciqaabtii ayaa la mariyay. Mar kale ayaa uu kadinka ka kuday haddana. Haddii ay ardaydu soo weydo, soo caawaba guriga tegi maayo, dabadeedna aroortii la keeni maayo? Isagu baxsad ma daayo, iyana baacsigiisa ma daayaan. Awelba ma uu jeclayn e, colaad hor leh ayaa uu malcaamaddii u qaaday. Maalin kale ayaa baruhu isku illaaway oo si xun u garaacay, isna galabtii ayaa uu macallinkii inta sheedda ka arkay madaxa qaaday oo dakhray, dib dambena malcaamaddii uguma noqon, oo miyigii baa uu u baxsaday. Aabbihii ayaa miyiga kaga daba tegay. Waxa uu ku shaabbadeeyay in uu hadalka Eebbe iyo diintaba neceb yahay. Waxaas in uusan u dulqaadan karin oo gebi ahaanba dugsiga hakinayo inta uu Qur'aaanka ka dhammaynayo baa uu u sheegay. Qur'aanka oo in yar uga hadhsanayd kolkii uu dhammeeyay baa iskuulkii lagu celiyay. Sannad ka dib ayaa uu dugsi sare bilaabay.
Markan waxa uu go'aansaday in uu sidii nin weyn u dhaqmo oo qalqaalinnimadii faraha kala baxo. Ma isagaa awelba qalqaali ahaa, waa lagu riixay e. Dugsiga markan iskuma safaadaan. Dedaal ayaa uu beegsaday. Kaalmaha hore ee dugsiga ayaa uu kooto ku xidhay. Aad ayaa uu fasalkiisa iyo weliba dugsigiisa caan uga yahay. Waxa sababay magaciisa iyo naanaystiisa isku ladhan ee aan cidna la wadaagin: Warsame-Xayaabo. Waa mid ka mid ah ardayda galaaska ugu tugtugta roon. Ardayda iyo barayaashuba aad ayaa ay u jecel yihiin oo weliba u ixtiraamaan. Labo sifo ayaa uu ixtiraamkaas ku mutaystay: akhris badni iyo bashaashnimo. Ugu dambayn safarkiisii waxbarasho waa soo afmeermay oo dugsigii waa uu dhammeeyay. Dugsiga waxaa uu ku dhigan jiray shan iyo toban maaddo oo kala duwan. Waxa uu isu haystay nin aqoonyahan ah oo cilmiyo badan kala dhigdhigay. Kolkii uu qalinjebiyay ayaa uu qorshaystay in uusan sannad wax jaamacad ah bilaabin. In uu waxoogaa nasiino ah helo ayaa uu doonayay, sida oo kalena cilmigii uu soo bartay xasiliyo oo dhaqangeliyo. Waxa uu naawilayay in uu durba shaqo heli doono; maaddaama oo uu laba iyo toban sano qalin iyo waraaq is dul hayay. U-dhabbagal iyo xuuraan badan ayaa uu helidda shaqo u galay. Waxba se waa ka soo naasacaddaan waayeen. Waalidkii, saaxiibbadiis, ardaydiisii ay wax isla soo barteen iyo ciddii aragtaaba waxa ay weyddiisaa jaamacadda iyo waxa uga qorshaysan, kulliyadda uu geli doono, halka uu ka geli doono, iyo wax la mid ah. Markan oo kale ayaa uu maankiisa weyddiimo ku waalaa. Waa kolka aysan fekerka iyo islasheekaysigu maankiisa ka fulayn. Laba iyo toban sano ayaa aad waxbaranaysay, waxbarasho kala duwan oo noocyo badan; qarash ayaa intaas kugu socday oo waa lagugu soo tabcay; magac ayaa dusha lagaa saaray ah "aqoonyahan"; xaflad qalinjebin inta laguu qabtay ayaa laguugu duceeyay in cilmigii aad baratay Eebbe kugu anfaco; intaas oo dhani ma biyo col dhaanshay baa? aaway waxii lagu baray iyo ducadii laguugu darayba? Sideedaba, ma jiraan fursado shaqo oo suuqa uga furan arday dugsi sare dhammeeyay, maxay se yihiin shaqooyinka ay aqoontiisii dugsigu u goynaysaa? Aaway dhawr iyo tobankii maaddo? Inta aanan sannado badan oo jaamacadeed iyo warkooda loo gudbin, laba iyo tobankii sano ee aad sii dhidiiqinaysay eber miyaa oo hal ayaad bacaad ku lisaysay? Malaa barahaagii axmaqa ahaa ee malcaamadda ayaaba kuwan maskaxdaada dammiinnimada ku hor joogay kuu dhaamay? Dhaamay aa! Oo laakiin kol kasta oo uu ku arko maxaa uu afka kuugu buuraa? Haa: beryo dhaweyd in aad u dhaliishay aad, welibana kala hadashay qaabka uu ardayda wax u baro ee Qur'aanka ugu dhigo. Waa kii kugu suntay in aad tahay bahal saaqid ah oo Eebbe iyo Rasuulkiisaba ka xadhigfurtay. Waa kii farta kuu saaray iino gacan-ku-samays ah oo uu kugu maxkamadaynayo in aad diintii intaas oo dhan lagu soo barayay kaga sii fogaanayso. Naanaystii xumayd ee uu kuula baxay waa tii adiga iyo masjidkiisiiba isku kiin dirtay: Janno-ka-bood, ee dacaayad aanad mutaysan shaadhka lagaaga siibay. Tolow jannada aad ka boodday ma qolkiisii yaraa ee cadaabta ahaa baa uu ka wadaa?
Kolka uu gocashada iyo qoomammooyinka weyddiimuhu wataan is moogaysiiyaba, waxa uu la kulmaa dhacdo ku sii xanxantaysa oo maankiisa sii carisa. Saaka barqadii ayaa uu khadka yar furay, waxa uu arkay arday tiro badan oo loo hambalyaynayo. Waa boqol iyo casaan. Afar sano oo jaamacad ah ayaa ay dhammaysteen. Kulliyado iyo cilmiyo kala duwan baa ay barteen. Waxa ay ku suntan yihiin in ay yihiin aqoonyahanno. Maxayse kuugu taal, kuma jiro mid keli ah oo aqoontii uu bartay irbad dun ku geliyay. Waa ay jiraan qaar shaqooyin cid qoyska ah siisay xaaddiraa, ma se badna. Saa wixii ay baranayeen aaway? Laba iyo tobankii sano ee hore ma dhawr kale oo eber aan waxba dhaamin baa u raacay? Waxaa ugu layaab badnayd xafladdoodii qalinjebinta. Si martisharafta la isaga dhaadhiciyo oo loo beentusmeeyo in dadkani aqoonyahamiin yihiin, saddex arday baa inta loo qoray warqado dhaadheer oo khudbado English ah ku qoran yihiin lagu yidhi: dusha ka xafida. Hadhow ayaa ay istayjka wixii xilka lahaa isla soo taageen oo sida in ay Qur'aan ka baxayaan u duruuruxiyeen. Foolxumo weynaa! Sida in uu isagu kuwaas yahay baa yaxyax iyo xishood ku yurursadeen, oo uu mar kale is weyddiiyay: haddiiba aan arko waxa afar sano oo jaamacadeed daba yaalla iyo indhaha ay leedahay, malaa aniga oo kuuli, fuundi, wastaad, geerashle, nijaar iyo wax la mid ah noqda oo intii afar sano ka dib aan shaqo la'aan ahaan lahaa, bil ka dib shaqeeya baa ii dhaanta? Oo laakiin soo lagugu caayi maayo oo lagugu eedayn maayo ninkaagii dhammaa ee intaas oo dhan la soo badhitaarayay in aad kuuligii aan isagu waxba baran sakeelkii iyo dhagaxiisii ku qabsatay oo eber tahay? Wax aan hungo dhaamin, mayee ah, ayaa lagu baray.
Inta quruurux sacabka ku qaatay oo haddana saydhay ayaa uu dabadana boodhka ka jaftay, dabadeedna sidiisii u dhaqaaqay jiho aanu garanayn.

Marka qalinku uu helo ciddiisa. Waxkasta way qurux badnaadaan. Xattaa haddaadan akhriska jeclayn waa mid hubaal ah inaad jeclaanayso. Illaa aad dhibsato muxuu u dhammeeyey qoraalka. Guurreeyoow, mahadi hakaa gaarto Eebbe saaxiib.
ReplyDeleteMahad badan saaxiib. Aan dhiirrigelin u qaato intaas.
Delete