Xusuus Qurux Badan iyo Hees Qaali Ah
Waa makhribood ay dayaxa iyo cadceeddu nuurka kala guddoomayaan. Meel degelka ka yar durugsan baa aan adhiga la joogaa. Waagaas wax taariikh la yidhaahdo ma aqoon, waxa aan se ku hilaadinayaa in ay ahayd badhtanka 2008. Waa bilo yar ka hor intii aanan miyiga ka soo rogan. Dhanka galbeed ayaa ay laydhu igaga soo tuurtay codad iyo sanqadho kala duwan oo isku ladhan, oo aan dhegta ka qaadi waayay. Cabbaar kolkii aan sidii gammaan bahal arkay dhegaha u taagtaagay aniga oo meesha codku ka imanayo dhegta la sii raacaya, ayaa qof halkii mudh ka soo yidhi. Moobeel ma uusan lahayn e, waa Gibille oo rikoodhkii sanqadha weynaa ee panasonic-ga ahaa dhegta haysta. Heesta ka baxaysa ayaa uu si dareen iyo layaab leh ula qaadayaa hoobalka: Xasan Aadan Samatar. Mararka qaar codkiisa ayaa ka fannaanka iyo muusiggaba ka dhawaaq sarraynaya. Ma hubo, wax aan se u badinayaa in ay ahayd markii koowaad ee aan xaaladdan ku arko. Maxaa cusub galabta tolow?
Meel dhawr kiilomitir noo jirta ayaa caawa aroos ka jiraa. Arooska miyiga, sida caadada ah, waxaa laga qaadaa heeso. Sida kan magaalada inta hees la daaro laguma jaaso e, heestii oo bilaa muusig ah ayaa la qaadaa. Mararka qaar waa ulsaar iyo doorasho, mararna waa carayn iyo 'yaa cod haya?'. Dabcan, waxaa jira shakhsiyaad tilmaaman oo codkooda habeenkaas dadka ugu deeqa, aroosyadana si gaar ah loogu soo casuumo. Kuwaas ayaa uu ka mid yahay Gibille. Waxa uu diyaarsanayaa heestii caawa uu ku qaloombiyi lahaa. "Igu dheeridaa" ayaa uu u doortay in uu caawa dadka ku caweysiiyo, caruusyadana ku dadabgeliyo. Adhigii ayaa uu ila uruuriyay. Intii uu ila joogeyna waxa aan isku dayayay bal in aan wax uun ka fahmo ereyada heesta. Sababo badan awgood baan u danaynayaa qabashada ereyada. In aan caawa iyo berriba carruurta aynigayga ah ugu faano waa ka mid.
" Ma mid aad u dhalataayeey, ma mid aad u dhalataa", oo uu ku soo celcelinayay, hormo kastana ay ku dhammaanayso ayaa aan sida birlabta ugu dhegay. Adhigii ayaan ku soo carraabiyay, waxarihii ayaa aan riyaha ugu dhigdhigay, intii aan wax cunayayna waan ku hadaaqayay.
Shan sano ka dib, 2013, ayaa aan qaatay moobeelkii iigu horreeyay. Samsung-dile noocii loo yaqaannay baa uu ahaa. Waa mar kale oo aan miyigii, dhaqancelin ahaan, dib ugu laabtay. Nin beer shaqaale ka ah baa aan ku arkay heestii iyada ahayd. Dhabtii, jidhidhico ayaa tin iyo baar i raacday, ilmo aanan garanayn wax ay ka walax tahay baana igu soo joogsatay. Inta ku soo booday ayaa aan ka dirsaday keligeed. Waxaa dulsaarnaa muuqaal laga soo duubay duurjoog iswarjeefaysa. Ilaa hadda, mar kasta oo aan dhegeysanayo waxa aan tagaa bartii aan laba iyo tobanka sano ka hor adhiga ku mayracayay iyo arooskii Dammagawshe. Xusuus lahaa!
FG: 1. Laba sheeko oo isu dhowba waa la sheegaa in heestu ku timd. 2. Fannaankani, waxaa jira hormooyin heesta ku jiray oo uu ka booday. Sida oo kale, ereyo uu khaldayo baa jira.
* * *
Curinta: Yuusuf-Jafaal
Laxanka: Cabdalle-Sagsaag
Waxa dib u qaadaya(2009): Ibraahim-Wajaale
Kamanka: Cumar-Indhayare Fariid
Organka: Mataan
Aduun baan wax dhaadine
Anba dhibaha jiilaal
Xilliyadan is dhalanrogay
Dhibtaan kaa ilaashee
Dhaxantiyo abaaraha
Kaa dhawray hadimoo
Dhito subag lo'aad iyo
Ku cabsiiyay dhaydoo
Yay dhicin intaan laa
Dhugan waayay taydoo
Dheeldheeli awgaa
Igu dhaaftay maalmoo
Igu dheeridaa
Ma dhool gaaxday baad tahay
Mana soo dhawaatide
Ma midaad u dhalataayeey
Ma midaad u dhalataa
Sida lay dhejaan weli
Kuu dul dherersanahayoo
Aduun baan ku dhawraa
Dhanna kaama aadee
Dhillowyahan sidiisii
Intaan kugu dhaloolaa
Dhexda kuugu duubnaa
Haddaan dhagaxa tuujoo
Ama aan dhulkaba qodo
Dhirta ii magooshaa
Dheef noqon lahaydoo
Dhexda maan ka liiceen
Igu dheeridaa
Ma dhool gaaxda baad tahay
Mana soo dhawaatide
Ma midaad u dhalataayeey
Ma midaad u dhalataa
Dhab adoo u seexdaan
Dhidbanahay dushaadoo
Dhoobbi kaa jiraan ahay
Dhaxantiyo dugaaggoo
Anoo dheel arooryaad
Dharabtiisu igu taal
Dhab markaad u toostaad
Dheeraad igu fashaayoo
Dhaxalkayga uma helo
Sidaan kuugu dhiibtoo
Hadda dhimashadayduna
Dhagartaada weeyaan!
Link-gan hoose ka daawo
Comments
Post a Comment